Wararka Somali

Jubbaland oo soo jeedisay in shirka wadashiga lagu qabto…


Ka dib markii Villa Somalia ay shalay Maamulada Jubbaland iyo Puntland ugu baaqday in shirka wadatashiga qaran ku soo biiraan ayaa waxaa ka hadlay Maamulka Jubbaland.

Jubbaland ayaa ku baaqday in shirka lagu qabto Xarunta Xalane oo ku dhex taala Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, isla-markaana ku shaqeeyaan Wakiilada Beesha Caalamka ee dalka.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in dhacdadii Magaalada Muqdisho ay abuurtay xaalad kale.

“Wixii dhacay 19-kii February waxa ay beertay xaalad kale, taasi dhibaato weyn oo dhacday ayay ahayd.” Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay VOA.

Wasiirka ayaa cadeeyay in ay diyaar u yihiin ka qaybgalka shirkaasi, balse aan xilligan la isku haleen karin Dowladda Federaalka, oo qorsheynaysa in shirka lagu qabto Aqalka Madaxtooyada.

“Diyaar ayaan u nahay ka qaybgalka shirka, balse waxaan dooneynaa goob amnigeedu sugan yahay, mar haddii la weeraray musharixiinta la iskuma haleen karo dowladda.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Haddii aan la hurayn waxaan door bideynaa Xerada Xalane oo saldhig u ah Wakiilada Beesha Caalamka in lagu qabto.”

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, marka laga reebo Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Jubbaland, oo iyagu shirka ka cago jiiday, ka dib dhacdadii 19-kii bishan.

Nagala soo xiriir WararkaMaanta

WararkaMaanta.News

Back to top button