Wararka Somali

Qodobo laga soo saaray kulankii R/wasaare Rooble iyo Midowga…


Waxaa goor dhow Magaalada Muqdisho lagu soo geba-gabeeyay kulankii Ra’iisal Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta ku yeesheen Hotel Decale.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay ka xun tahay tallaabadii Jimcihii la isku hortaagay bannaanbixii Golaha Midowga Musharaxiinta ka dhigayeen Magaalada Muqdisho, waxayna labada dhinac isku afgarteen in loo saaro guddi madaxbannaan oo baaritaan ku soo sameeya.

Sidoo kale dhinacyada ayaa isku waafaqay in dib loo dhigo bannaanbixii ay Midowga Musharaxiinta qorsheeyeen in Jimcaha berrito ku qabtaan Caasimadda Muqdisho.

Akhriso qodobada laga soo saaray kulanka

Nagala soo xiriir WararkaMaanta

WararkaMaanta.News

Back to top button