Warka Caalamka

Israel oo Hanjabaad Kulul u Jeedisay Iiraan

TEL AVIV(WararkaMaanta)-Ra’iisul wasaaraha Israel, Benyamin Netanyahu ayaa dalka Iiraan ku eedeeyay in ay ka dambeysay qaraxii lala beegsaday Markab Israel ay leedaha oo taagnaa xeebaha dalka Cumaan.

Netanyahu ayaa falkan ku tilmaamay mid ay ka muuqdaan farihii Iiraan isaga oo sidoo kalena ku gooddiyay in uu aargudan doono waxa uuna intaa ku daray in Iiraan ay tahay cadawga ugu weyn ee Israel.

Ra’isul wasaare Netanyahu ayaa wacad ku maray in uusan marna aqbali doonin in Iiraan ay samaysato hubka sida ba’an wax u gumaada ee Nukliyeerka.

Jimcihii ayay ahayd ahayd markii uu qarax ka dhacay markabka MV Helios Ray oo ku wajahnaa Singabur.

Markabkan oo uu leeyahay ganacsade u dhashay Israel ayaa la kulmay weerarkii ugu horreeyay ee Markab Israel leedahay lagula bartilmaameedsado mandiqadda.

WararkaMaanta.News

Back to top button