Wararka Somali

Madaxweynaha Puntland oo gaaray Magaalada Boosaaso (SAWIRRO)


Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta gaaray Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ka dib weerarkii xooganaa ee xalay maleeshiyada Al Shabaab ku qaadeen Gaalshiraha Boosaaso.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in safarka Madaxweynaha uu la xiriiro u kuurgelidda xaaladda amni ee magaaladaasi.

“Madaxweynaha safarkiisa oo ah mid shaqo wuxuu la xiriira u kuurgelidda xaaladda amni ee magaaladda iyo guud ahaan gobolka, isagoo kulamo la qaadanaya Saraakiisha Amniga iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka Bari.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkaasi ayaa dhanka kale sheegay in xabsiga ay ka sii daayeen afar boqol oo maxaabiis ah.

Dhanka kale dagaal culus ayaa galabta duleedka Magaalada Boosaaso ku dhex maray Ciidamada Puntland iyo xoogag la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Puntland waxay sheegeen in dagaalkii galabta ay ku soo qabqabteen maxaabiis fara-badan.

Weerarkii xalay ayaa lagu macneeyay hawlgalkii ugu weynaa ee maleeshiyada Al Shabaab ka fuliyaan deegaanada Puntland.

Nagala soo xiriir WararkaMaanta

WararkaMaanta.News

Back to top button