Warka Caalamka

Dabley xoog ku soo furatay Ganacsade iibiya Mukhaadaraadka – Wararka Maanta: Somali News Online


Dabley ku labisnaa dharka Ciiddanka Dowladda Sudan ayaa la sheegay inay weerareen Isbitaal Bolis oo lagu daaweynayey Ganacsade khatar ah oo caan ku ahaa iibinta noocyada Daroogada ama Mukhaadaraadka.

Shabakadda Wararka ee alintibaha.net waxay qortay inay Dableyda iska horimaad la galeen Ilaaladii Isbitaalka, una itaal sheegteen 3-dii Askari ee ilaalo ka ahaa Isbitaalka.

Dableyda waxaa la sheegay inay jir-dileen, kadibna garba-duub ama Laba-dible u xireen Askartii ilaaladda ahaa.

Maleeshiyada ayaa la sheegay inay bililiqeysteen Kaydkii hubka ee yaallay Maqaasinka Hubka ee Isbitaalka, waxayna la baxsadeen Ganacsadihii jaalkooda ahaa, kaasi oo laga daaweynayey dhaawacyo maalmo ka hor ka soo gaaray iska-horimaad uu la galay Boliska.

WararkaMaanta.News

Back to top button