Warka Caalamka

Dhimasho iyo Dhawaac Ka Dhashay Qaraxyo Ka Dhacay Suuriya – Wararka Maanta:…


Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhimatay, saddex kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo miino oo ka dhacay galbeedka-bartamaha Dalka Suuriya.

Laba miino ayaa ku qarxay tuulada Al-Salamiyah, oo ku taal bariga magaalada Hama, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Suuriya ee SANA.

Goobta uu qaraxyadu ka dhaceen waxaa gacanta ku haya ciidamada taliska Asad iyo  kooxda ay taageerto Iran oo Daacish.

Suuriya ayaa waxaa ka socda dagaal sokeeye oo aad u xun tan iyo horaantii sanadkii 2011-kii, markaasi oo xukunka Bashaar Al-Asad uu si adag oo lama filaan ah u xakameeyay mudaaharaadyada dimoqraadiyada.

Dalka Suuriya waxaa ka huleeelay kumanaan muwaadin oo xamili waayay rasaasta iyo duqeymaha calood u shaqeysayaashu kula kor dagaalamayaan ciidanka,iyada In ka badan 5 milyan oo rayid ah tan iyo markaas barakaceen.

W/Q Mohamed Abdirahman Sheikh

WararkaMaanta.News

Back to top button