Warka Caalamka

Mucaaradka Senegal oo Ku Baaqay Dibadbaxyo Ka Dhan ah Dowladda

DAKAR(WararkaMaanta)-Dhaqdhaqaaqa Difaaca Dimoqraadiyadda Dalka Senigaal ayaa ku baaqay dibadbaxyo ballaadhan oo socon doono muddo saddex maalmood ah oo ka billaabata Isniinta Berri ah.

Baaqa mucaaradka ee dibadbaxyada ayaa imanaya xilli dalkaas ay ka socdaan rabshado ka dhashay masuul ka tirsan mucaaradka oo loogu yeedho Cusmaan Sonko oo ay dowladda dalkaas xabsiga u taxaabtay.

Mucaaradka ayaa shacabka dalkaas ugu baaqay in ay isu soo baxaan iyaga oo ka duulaya xuquuda dastuuriga ah ee muwaadiniinta kana soo horjeeda kali talisnimada madaxweyne Macky Sall.

Isbahaysiga xisbiyada mucaaradka Senigaal ayaa dowladda madaxweyne Sall ka codsaday in ay sii deyso siyaasiga iyo dhammaan maxaabiista siyaasadeed ee dalkaasi ku xidhan.

Sonko ayaa ahaa ninkii kaalinta saddexaad ka galay tartankii madaxtinnimada ee dalkaas ka dhacay 2019-kii intaa wixii ka dambeeyay ayaa xabsiga la dhigay iyada oo loo cuskanayo in uu kufsaday haweeney ka shaqeysa meherad haweenka lagu qurxiyo oo ku taalla dalkaas

Sonko ayaa eedeyntaas ku macneeyay sumcad dil iyo shirqool siyaasadeed oo uu soo maleegay madaxweyne Sall oo doonaya in uu xukunka dheereysto.

Dibadbaxyada ka dhashay xarigga sarkaalkan mucaaradka ah ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen 5 qof tan iyo Arbacadii hore.

Qalalaasaha ka socda Senigaal aya alagu tilmaamay in ay yihiin kuwii ugu xumaa ee ka dhaca dalkaas oo lagu tiriyo dalalka ugu xasilan galbeedka Afrika.

WararkaMaanta.News

Back to top button