Warka Ciyaaraha

Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha: Matthijs de Ligt oo ku biiri…


ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee maanta oo aad maalin walbo kala socotaa Warbaahinta Ciyaaro.com

Qeybta Danbe Suuqa kala iibsiga ( 8 Feb )

Manchester United ayaa qarka u saaran inay isku daydo inay Maathijs de Ligt kala soo wareegto Juventus, sida laga soo xigtay TodoFichajes .

Paris Saint-Germain ayaa isku dayi doonta inay culeys saarto saxiixa David Alaba ka hor Real Madrid, sida ay qortay Calciomercato .

Weeraryahanka CSKA Adolfo Gaich ayaa xiiseynaya kooxda Inter – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Weeraryahanka AC Milan Zlatan Ibrahimovic, oo 39 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu ka fariisto ciyaaraha caalamiga, waxaana laga yaabaa in loogu yeero xulka Sweden bishaan. Dailymail

Daafaca kooxda Chelsea Reece James ayaa sheegay inuusan wax cabasho ah ka qabin siyaasada rogista ee tababaraha Blues Thomas Tuchel, iyadoo 21 jirka daafaca reer England uu aqbalay in uusan mar walba ciyaaridoonin. Metro

Liverpool waa inay lacag siisaa hadii weeraryahanka reer Masar Mohamed Salah, oo 28 jir ah, uusan ku faraxsaneyn kooxda, weeraryahankii hore ee Reds Robbie Fowler ayaa sidaas yidhi. Mirror

Qeybta Hore Suuqa kala iibsiga ( 8 Feb )

Chelsea ayaa isha ku heysa inay qandaraaska u cusbooneysiiso Andreas Christensen ka dib xiisihii ay u qabeen kooxaha dibada oo ay ku jiraan AC Milan iyo Paris Saint-Germain. Goal

Juventus ayaa xiiseyneysa inay Thilo Kehrer kala soo wareegto Paris Saint-Germain, sida laga soo xigtay L’Equipe .

West Ham ayaa isha ku heysa inay qandaraas waqti dheer ah ka saxiixdo David Moyes,  sida ay ku warameyso TeamTalk .

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay soo afjartay raacdadii ay ugu jirtay Jack Grealish, taasoo ka dhigeysa kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United inay tahay kooxda kaliya ee ku hartay baacsiga Xidigan, ayuu yiri Todo Fichajes .

AC Milan ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo daafaca dambeedka midig ee kooxda Atletico Madrid Sime Vrsaljko, Goal

Daafaca dhexe ee reer Brazil Miranda ayaa ogolaaday inuu dib ugu biiro Sao Paulo, madaxweynaha kooxda ayaa xaqiijiyay. Goal

Manchester United ma aysan sameynin wax isku day ah oo ay ku bilaabayaan wadahadalada heshiis kordhinta Paul Pogba, sida ay qortay Daily Star .

Torino ayaa aqbashay inay ku qasbanaan doonto inay ka iibiso Sasa Lukic xaalada dhaqaale ee kooxda darteed, ayuu yiri Todo Fichajes .

WararkaMaanta.News

Back to top button