Warka Caalamka

Saamaynta Qaraxii Equatorial Guinea oo Isa Soo Tareysa

MALABO(WararkaMaanta)-Masuuliyiin ka tirsan dowladda Equatorial Guinea ayaa sheegay in trada dadka ku dhintay qaraxii Axaddii ka dhacay dalkaas ay sii cagacageynayso 100 ruux.

Qaraxaas ayay masuuliyiintu sheegeen in ay ku dhaawacmeen 615 qof oo 299 ka mid ah lagu dabiibayo cusbitallada.

Qaraxan ayaa ka dhacay goob ku dhow xero milatariga dalkaas ay ka deggenyihiin magaalo xeebeedka Bata.

Masuuliyiinta ayaa qaraxaas u tiiriyay in uu ka dhashay keyd waxyaabo qarxa ahaa oo ku dhawaa goob dadka beeralayda ah ay ku gubaan qashinka.

Madaxweynaha dalkaas Teodoro Obiang Nguema ayaa sheegay in dhammaan dhismayaasha iyo guryaha magaaladaasi ay waxyeello ka soo gaadhay qaraxii halkaasi ka dhacay. Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in waaxda dalkaas u qaabilsan la socodka keydadka walxaha qarxa ay ka gaabisay howsheeda sidaasina u uku dhacay qaraxa.

Wasaaradda caafimaadka ayaa howlwadeennada caafimaadka ugu baaqaday in ay si degdeg ah gurmad uga bilaaban isbitaalka Bata iyada oo sidoo kalena dadweynaha ka codsatay in ay ku deeqaan dhiiggooda si loo badbaadiyo dadka dhaawaca ah.

Wasaaradda ayaa ilaa saddex isbitaal u asteysay la tacaalidda dhaawacyada halista ah ee dadkii ku waxyeelloobay qaraxyada.

Isbitaallada ayaa la arkayay iyada oo ay buux dhaafiyeen dadka dhaawaca ah sidoo kalena dadka dhaawaca ahi ay hoos jiifaan geedaha iyo barxadaha isbitaallada.

WararkaMaanta.News

Back to top button