Wararka Somali

Wararkii ugu dambeeyay xaaladaha COVID-19 ee dalka iyo dhimashada oo…


Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.

Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in xanuunka laga helay 139 qof, ka dib markii laga baaray 1072 qof.

92 kiis ayaa laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir, iyadoo 33 kiis laga diiwaangeliyay Somaliland, Jubbaland ayaa laga diiwaangeliyay 11 kiis, halka 3 kiis laga diiwaangeliyay Hirshabelle.

85 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waxaa weeye rag, halka 54 kalena ay haween yihiin, waxaana xanuunka ka bogsaday 29 qof.

Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in dalka laga diiwaangeliyay 12 xaaladood oo dhimasho ah, kuwaa oo 10 ka mida laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir, halka Somaliland iyo Jubbaland min hal xaalad laga diiwaangeliyay.

Tirada guud xaaladaha xanuunka ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa ah 8,577 xaaladood, iyadoo tirada guud ee ka bogsatay ay tahay 4,033 qof, waxaana xanuunka dalka ugu geeriyooday 319 qof.

Nagala soo xiriir WararkaMaanta

WararkaMaanta.News

Back to top button