Warka Ciyaaraha

Falanqaynta: Kulanka Liverpool Vs RB Leipzig ee Champions League…


RB Leipzig ayaa la ciyaareysa Kooxda Liverpool lugta labaad ee wareega 16ka UEFA Champions League. iyadoo lugti hore ay Liverpool ku soo badisay 0-2.

Liverpool Vs RB Leipzig

Tartanka Champions League

Saacada 23:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Puskas Arena

Liverpool:- Jurgen Klopp wuxuu qabaa dhibaatooyin dhaawacyo ah oo uu wax ka qaban karo. Daafacyada Joe Gomez, Virgil van Dijk iyo Joel Matip ayaa dhamaantood maqan. Ciyaaryahanka khadka dhexe Jordan Henderson ayaa isna dhaawac ah.

Ozan Kabak iyo Roberto Firmino ayaan ciyaarin kulankoodii ugu dambeeyay ee ay la ciyaarayeen Fulham sababo dhaawacyo ah waxayna la kulmi doonaan baaritaano xilli dambe ah ka hor kulanka Arbacada.

Dhaawacyada: Joe Gomez, Virgil van Dijk, Jordan Henderson iyo Joel Matip

Shaki: Ozan Kabak iyo Roberto Firmino

RB Leipzig:- Willi Orban iyo Angelino ayaan ciyaarin kulankii RB Leipzig ay 3-0 kaga badisay Freiburg. Iyaga ayaa shaki ka qaba kulankaan laakiin Nagelsmann ayaa rajeynaya in labadan xiddig ay safka soo gali karaan. Konrad Laimer iyo Dominik Szoboszlai ayaa labadoodaba dhaawacan waxaana laga saaray kulanka lugta labaad.

Dhaawacyada: Konrad Laimer iyo Dominik Szoboszlai

Shaki: Willi Orban iyo Angelino

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Lugtii koowaad ee kullankan ayaa ahayd marka kaliya ee labada dhinac ciyaaraan. Liverpool ayaa ciyaarta ku badisay 2-0 waxaana goolasha u kala dhaliyay Mohamed Salah iyo Sadio Mane.

Liverpool waligeed lagama reebin tartanka knockout European Cup / UEFA Champions League kadib markii ay gurigeeda ku soo badisay lugtii hore – marka lagu daro, markii ugu dambeysay ee ay wada guuleystaan ​​labada lug ee wareega 16-ka waxay aheyd 2008-09 oo ay la ciyaareen Real Madrid.

Liverpool ayaa noqon doonta kooxdii seddexaad ee Ingariis ah ee ka soo horjeeda ee RB Leipzig oo wajaheysa meel ka baxsan garoonkooda tartanka UEFA Champions League tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore

 

 

WararkaMaanta.News

Back to top button