Warka Ciyaaraha

Wararka Xanta Suuqa kala iibsiga Maanta: Barcelona oo dalab ka…


ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Qeybta Danbe Suuqa kala iibsiga Maanta ( 11 Maarso )

 

Nemanja Matic waa ku qanacsan yahay Manchester United, laakiin halyeeyga qadka dhexe ee daafaca ayaa u sheegay Sport TV  inuu ku riyaaqi doono ugu dambeyn inuu ku laabto Benfica, Sport TV 

Barcelona ayaa dalab qandaraas waqti dheer ah u soo bandhigtay Georginio Wijnaldum iyadoo qandaraaskiisa Liverpool uu dhacayo, sida ay qortay Football Insider.

Arsenal ayaa, sida laga soo xigtay The Mirror , ku soo biirtay loolanka loogu jiro daafaca Inter Achraf Hakimi. The Mirror 

Chelsea ayaa laga yaabaa inay raadiso inay iska iibiso weeraryahanka Jarmalka Timo Werner xagaagan kaliya sanad ka dib markii 25 jirkaan uu 54 milyan ginni uga soo dhaqaaqay RB Leipzig. Footbalinsider

Qeybta Hore Suuqa kala iibsiga Maanta ( 11 Maarso )

 

Wakiilka David Alaba ayaa beeniyay wararka sheegaya in macmiilkiisa uu heshiis afka ah la gaaray Barcelona.  Goal

Fikayo Tomori ayaa sheegay inuusan wax badan ka fikirayn mustaqbalkiisa ka dib markii ciyaaryahanka AC Milan Paolo Maldini uu amaanay daafaca amaahda ugu ciyaara Chelsea. Goal

Roma, Bayer Leverkusen iyo Borussia Dortmund ayaa dhamaantood raadinaya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brest Romain Faivre, sida laga soo xigtay  Calciomercato . 

Portsmouth ayaa rajeyneysa inay u dhaqaaqdo daafaca Manchester United Max Taylor, sida laga soo xigtay The Sun

Liverpool oo lagula taliyay inay u dhaqaaqdaa xiddiga Leeds Raphinha, sida laga soo xigtay qadka dhexe hore ee Reds Steve McManaman. HorseRacing.net .

Bayern Munich ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Jerome Boateng – sida laga soo xigtay Sport Bild .

Tottenham ayaa dooneysa saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Torino Sasa Lukic – sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb .

Manchester United ayaa xaqiijisay magacaabista agaasimaha kubada cagta iyo agaasimaha farsamada kaas oo wax ka badali doona sida ay kooxda ugala xaajooto Suuqa kala iibsiga. GOAL

Kooxda Juventus ayaana Ajandaha ugu jirin Heshiis kordhinta Xidiga C/Ronaldo sida uu sheegay agaasimaha isboortiga kooxda Fabio Paratici. Sky Italia

Liverpool ayaa isha ku heysa mucjisada kooxda Santos Angelo Gabriel, sida laga soo xigtay Sport Witness.

Barcelona ayaa dalab ka gudbisay weeraryahanka Man City Sergio Aguero, sida ayqortay TyC Sports.

Bruno Fernandes ayaa ka dalbaday Manchester United damaanad qaad ka hor inta uusan heshiis cusub u saxiixin kooxda, sida ay qortay The Sun.

WararkaMaanta.News

Back to top button