Warka Ciyaaraha

Chelsea oo kula tartameysa Manchester United saxiixa Kingsley Coman


Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso u qabto saxiixa weeraryahan Bayern Munich ee Kingsley Coman .

24 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigaya kooxda heysata horyaalka Jarmalka intii lagu jiray ololihii 2020-21, isagoo dhaliyay lix gool isla markaana diiwaan geliyay 13 caawiye 27 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan

Coman wuxuu qandaraas kula jiraa Allianz Arena ilaa xagaaga 2023, laakiin dhawaan ayaa la sheegay inuu diiday fursad uu ku saxiixi lahaa qandaraas cusub.

Manchester United ayaa weli si xoogan loola xiriirinayaa ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France, kaasoo kula guuleystay horyaallo Paris Saint-Germain, Juventus iyo Bayern.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Daily Mail , Chelsea ayaa il gaar ah ku heysa weeraryahanka iyadoo ay jiraan soo jeedinno ah in Christian Pulisic loo ogolaan karo inuu ka tago Stamford Bridge mustaqbalka dhow.

Warbixinta ayaa sheeganeysa in Manchester City ay sidoo kale xiiseyneyso Coman waxaana macquul ah inay u dhaqaaqdo xagaagan haddii ay cadaato inay Bayern diyaar u tahay inay iibiso.

Xiddiga reer France ayaa u saftay 188 kulan kooxda FCB tartamada oo dhan.

WararkaMaanta.News

Back to top button