Warka Caalamka

Itoobiya oo beenisay eedeyn uga timid Mareykanka – Wararka Maanta: Somali News…


Dowladda Itoobiya ayaa ku doodeysa eedeymo la xiriira isir sifeynta qowmiyadda Tigreega, iyada oo ku tilmaamtay eedeymahaasi Mareykanka kuwo “aan sal lahayn”.

” Waxba ma dhicin Intii lagu guda jiray hawlgalkii sharci fulinta ee ugu weynaa ee Tigray, lagumana qeexi karo, ujeedo qowmiyadeed oo ka dhan ahaa cidkasta oo katirsan gobolka ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibada Maanta oo sabti.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken ayaa cadeeyay Arbacadii “in isir sifeyn” ay ka dhacday galbeedka Tigray, Waana markii ugu horeysay oo sarkaal sare oo ka tirsan beesha caalamka uu si cad u qeexo falalkii ka dhacay Tigray-ga.

Blinken wuxuu u sheegay guddiga arrimaha dibedda ee Golaha Wakiillada Mareykanka in uu “arkayo warbixinno aad loogu kalsoonaa karo oo ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo tacaddiyada socda” ee Tigray, oo ah gobol ku yaal woqooyiga Itoobiya oo saldhig u ah xisbi xukuma.

Siyaasadda Itoobiya ayaa muddo tobanaan sano ah xirxirneyd, ka hor inta uusan soo bixin Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Hogaamiyaasha xisbigaas TPLF, waxay ku dhuumaaleysanayaan keymaha, iyada oo ciidamada federaalka iyo xulafadooda ay ugaarsanayaan dagaalyahanada daacada u ah maamulka deegaanka ee Tigray.

Xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta Tigray-ga ayaa weli ah  mid aad u adag, iyada oo iska horimaadyadu ay horseedaan barakicinta dadka, halka tuulooyin qaar gebi ahaanba la faarujiyay.

Xafiiska bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ayaa ku sheegay qiimeyntiisii ugu dambeysay in  adeegyada aasaasiga ah, sida isgaarsiinta, adeegyada muhiimka ah iyo korantada ay weli maqanyihiin, iyada oo dadka ay halis dheeraad ah mar walba dhici karto in ay galaan.

W/Q Mohamed Abdirahman Sheikh

WararkaMaanta.News

Back to top button