Warka Ciyaaraha

Wararka Suuqa kala iibsiga Maanta: David Alaba oo ku biiri kara…


Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Qeybta Danbe Suuqa Kala iibsiga 13 Maarso

Chelsea iyo Manchester City ayaa laga yaabaa inay galaan dagaalka loogu jiro daafaca reer Austria David Alaba, kaasoo qandaraaskiisa Bayern Munich uu dhacayo xagaaga, madaama mushaharka 28 jirkaan uu culees ku noqonayo Barcelona iyo Real Madrid. Daily Star

Barcelona ayaan qorsheyneynin inay xilka ka qaado tababare Ronald Koeman marka Joan Laporta uu noqday madaxweynaha kooxda markii labaad. Sport .es

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Georginio Wijnaldum qandaraaska uu kula jiro Liverpool ayaa dhacaya xagaaga, heshiiska 30 jirkaan reer Holland uu ugu wareegayo Barcelona ayaa ah “95% mid la dhameystiray “. Footballinsider

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa ku jira liiska ciyaartoyda diirada u saaran Paris St-Germain, kooxda Ligue 1 ayaa xiriir la sameysay wakiilka 27 jirka reer France. FootMercato

Manchester United ayaa liiskeeda xagaaga ku dartay goolhayaha kooxda Burnley Nick Pope, inkastoo ay tartan kala kulmi karaan kooxda Tottenham oo ku aadan 28 jirkaan reer England. Daily Star

Qeybta Hore Suuqa Kala Iibsiga ( 13 Maarso )

 

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu abaalmarin doonaa qandaraas cusub oo qaali ah oo uu ku sii joogayo Old Trafford, sida ay qortay  Mirror .

Mid ka mid ah waxyaabaha mudnaanta koowaad siinaya Joan Laporta markuu ku soo laabto madaxtinimada Barcelona ayaa noqon doonta cusbooneysiinta qandaraaska Ousmane Dembele, sida ay  qortay Sport .

Xiddiga Atletico Madrid Saul Niguez ayaa dalab ka helay Bayern Munich, sida laga soo xigtay  AS .

Mustaqbalka dhowr ciyaartoy ee kooxda koowaad Manchester United ayaa lagu wadaa in lagu go’aamiyo shirarka kala iibsiga Goobta Mustaqbalkooda uu yahay. The Sun

Barcelona ayaa goordhow go, aan ka gaari doonta waxa laga yeelayo amaahda Betis Emerson, sidaas waxaa  qortay Marca .

WararkaMaanta.News

Back to top button