Wararka Somali

WHO Oo Daawooyin Ku Wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland

Hargaysa (Wararka Maanta): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta qalab kala duwan oo caafimaad kala wareegtay haayadda qaramadda midoobay u qaabilsan arrimaha caafimaadka ee WHO.

Qalabkaasi ay WHO soo gaadhsiisay wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa isugu jiray qalabka uu ku shaqeeyo Mishiinka Coronavirus,  waxyaabaha lagaga gaashaanto caabuqa Covid-19 iyo daawooyinka lagula tacaalo xanuunkaasi.

Waxaana qalabkaasi si rasmiya ugala wareejiyay  masuuliyiintii ka socday haayadda WHO agaasimaha guude ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeey.

 

 

 

Wararka Maanta.com/Hargeisa Office.

 

WararkaMaanta.News

Back to top button