Wararka Somali

LIVE: Dhageysiga dacwadda badda oo billaabatay ayadoo Kenya ay ka maqan tahay

Hague (WararkaMaanta) – Waxaa bilaabatay dhageysiga dacwada kiiska Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo ay ka maqan tahay Kenya oo cudur aan buurneyn ka dhiibatay ka qeyb-galka dhageysiga dacwadda oo ku taariikheysneyd maanta oo ah 15-ka bisha March.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa si rasmi ah u furtay dhageysiga dacwadaas, waxaana khudbad ku aadan dooda Soomaaliya ka jeediyay Sii-hayaha ra’iisal wasaaraha dalka, Mahdi Guuleed oo isagu ah madaxa u sarreeya ee hogaaminaya arrintan.

Mahdi Guuleed ayaa khudbad ku aadan Kiiska ka horjeedinaya Guriga Nabadda ee xarunta cadaaladda aduunka, ayada oo ay ku wehlinayaan qareenada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Maxkamadda caalamiga ah ayaa sheegtay inay ka xuntahay inaysan Kenya ka qaybqaadan doonin dhagaysiga, hase yeeshee waxay sheegtay maxkamaddu inay hayso qoraallo iyo dokumentiyo ku filan oo ka turjumaya mawqifka Kenya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay inay iyaguna ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya. Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in maxkamaddu ay siisay Kenya waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo dhagaysiga.

Warkaan oo faah-faahsan la soco goordhow.

Hoos ka daawo muuqaalka dhageysiga dacwadda oo toos ah

WararkaMaanta.News

Back to top button