Warka Caalamka

Suudaan oo Golaha Ammaanka u Gudbinaysa Muranka Biyo Xireenka Niil

KHARTOUM(WararkaMaantaSarkaal ka tirsan ergada Suudaan u qaabilsan wadaxaajoodyada biyo xireenka Niil ayaa sheegay in dalkiisu uu muranka daba dheeraaday ee biyo xireenka u gudbin doono golaha ammaanka haddii ay Itoobiya ka dhego adeygto dhexdhexaadinta caalamiga ah.

Sarkaalka ayaa shegay in haddii ay Itoobiya la imaato dabacsanaan iyo tanaasul ku saabsan muranka ay suuragal tahay in ay dib ugu soo laabtaan miiska wadahadalka.

Suudaan ayaa horay u soo jeedisay hindise ay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika  iyo dowladda Mareykanka  uga coodsanayso in ay dhexdhexaadiyaan qaddiyadda biyo xireen ee u dhexeysa Itoobiya, Masar iyo Suudaan hase yeeshee waxaa arrinkaa ka hor timid dowladda Itoobiya.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Masar Saamix Shukri ayaa sheegay in Itoobiya aanay muujin rabitaan siyaasadeed oo heshiis lagaga gaarayo muranka biyo xireenka.

Shukri ayaa sheegay in dalkiisu mar walba diyaar u yahay sii socoshada wadaxaajoodyo ay u simanyihiin dhinacyada muranku ka dhexeeyo.

Dowladda Itoobiya ayaan iyadu wax hadal ah ka soo saarin arrintan hase yeeshee waxa ay mar walba eedeynta disha uga tuurtaa Qaahira oo ay tilmaanto in ay masuul ka tahay turunturreynta wadahadallada.

Itoobiya ayaa sidoo kale ku adkeysanaysa in ay bisha July ee soo socoto billaabayso buuxinta labaad ee biyo xireenka iyada oo ay arrinkaasina diiddanyihiin Masar iyo Suudaan.

WararkaMaanta.News

Back to top button