Warka Caalamka

Weerar Gantaal oo yemen Caruur iyo Askar Lagu Dilay – Wararka Maanta: Somali News…


 

Xoogaga Xuutiyiinta ee Yemen ayaa gantaal ku dhuftay iskuul ay ku sugnaayeen xubno  taabacsan dowladda oo ku yaal gobolka Taiz, halkaas oo ay ku dileen 15 askari iyo saddex carruur ah oo ka ag dhowaa goobta, sida ay laba qof oo dadka deegaanka ah iyo ilo milateri u sheegeen Wakaalada Reuters.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in caruurta   ay ku sugnaayeen aagga, markii gantaalku ku dhacay iskuulka oo ku yaal degmada Kadha ee gobolka Tai zee Dalka Yemen.

Laba ilo ciidanka ah  ayaa sheegay in 15 askari laga dilay, iyaga oo intaa ku daray in iskuulka ay horay u isticmaali jireen xoogaga Xuutiyiinta, lana wareegeen kadib markii dagaalyahano taageersan dowlada ay qabsadeen magaalada Kadha todobaadkii hore.

Sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta ayaan isla markiiba ka jawaabin codsi ku saabsan faallo.

Dagaalada ayaa dhawaanahan kusii baahayay magaalada lagu muransan yahay ee Taiz ee koonfurta galbeed ee Yemen oo u dhaxeysa dagaalyahanada daacada u ah dowlada uu caalamku aqoonsan yahay iyo dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta, taas oo ku qasabtay in ay la wareegaan caasimada Sanca, sanadkii 2014.

 

W/Q Mohamed Abdirahman Sheikh

WararkaMaanta.News

Back to top button