Wararka Somali

Xildhibaanada Golaha Wakiillada oo Loo Qaybiyay Waxka-Bedelka iyo Kaabista Xeerka Shaqaalaha Rayidka

Hargeisa (Wararka Maanta) – Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland ayaa loo qaybiyay waxka-bedelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer lambar 31/2021.

Fadhigan ay yeesheen Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland oo uu shir-gudoominayay gudoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faaraxa, ayaa xildhibaanada xeerkaas shaqaalaha rayidka loogu qaybiyay.

Xeerkan ayaa waxaa uu ka soo noqday golaha Guurtida Somaliland ooh ore loogu gudbiyay.

Isla fadhigaas ayaa waxa shirgudoonka golaha Wakiilladu uu guddi xildhibaano ah u saaray xeerka aaggaga cashuuraha ka caagan, guddidaas oo ahayd shan xubnood ayaa wax ay kaa ahaayeen

Xildhibaan Maxamed Xuseen

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi

Xildhibaan Abokor Cabdiraxmaan Good

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud

Ugu dambayn shirgudoonka golaha Wakiillada ayaa guddidaas xildhibaanada ah oo kaashan doona guddi hoosaadka shuruucda ee golahaas u soo jeediyay inay xeerkaas soo gorfrryaan, dibna ugu soo celiyaan golaha.

WararkaMaanta.News

Back to top button