Wararka Somali

Aabe gowracay gabar uu dhalay oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo


Ciidamada Booliska ee Magaalada Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay aabe habeenkii Jimcaha magaaladaaasi ku gowracay gabar yar oo uu dhalay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku soo dhigeen aabahaasi, baaritaano dheerina ay laamaha ammaanka ku wadaan.

Gaashaanle Jaamac Axmed Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa hoosta ka xariiqay kolka baaritaanada la soo geba-gabeeyo in aabahaasi la horkeeni doono sharciga.

Afhayeenka ayaa xusay aabahan oo nin dhalinyaro ah in uu isticmaali jiray maandooriyaha, oo sida uu sheegay dhibaato ku hayo bulshada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay sii wadi doonaan la dagaalanka ay kula jiraan waxyaabaha maanka-dooriya, maadaama uu qayb ka yahay falalka amni-darada.

Dhacdadan ayaa 12-kii bishan ka dhacday xaafadda Faanoole, oo dadka degana ay aad u hadalhayeen maalmihii la soo dhaafay.

Nagala soo xiriir WararkaMaanta

WararkaMaanta.News

Back to top button