Warka Caalamka

Dalalka Yurub Qaarkood oo Joojiyay Isticmaalka Tallaalka AstraZeneca

ROMA(WararkaMaanta)-Dalalka Jarmalka, Fransiiska, Talyaaniga iyo Spain ayaa hakiyay isticmaalka tallaalka Covid-19 ee ay sameysay shirkadda AstraZeneca, kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya waxyeellooyin ay ka mid yihiin xinjiro dhiig ah oo xiray xididada dadkii qaatay tallaalkaas.

Hay’adda caafimaadka Denmark ayaa iyana sheegtay in isticmaalka tallaalkan ay joojisay todobaadkii hore waxayna xaqiijisay in haweeney 60-jir ah ay geeriyootay markii ay qaadatay tallaalka AstraZeneca, kaddibna ay xirmeen xididada dhiig mareenka,

Sidoo kale dowladda Jarmalka ayaa ka digay todobaadkii la soo dhaafay in Yurub ay wajahayso mawjad saddexaad oo ah caabuqa faafa ee Covid-19, waxaana isbitaalada dalal ay ka mid yihiin Talyaaniga iyo Faranksiiska ay ku dhowyihiin inay buuxsamaan.

wasaaradda Caafimaadka Jarmalka Jens Spahn iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Talyaaniga Gianni Rezza ayaa sheegay in kasta oo halista xinjirowga dhiigu ay yartahay haddana aan meesha laga saari karin waxyeellada tallaalka.

Madaxa hey’adda Caafimaadka adduunka Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in galinka dambe ee maalinta Talaadada ah uu shir guddoominayo kulan looga tashanayo arrintan, waxaana uu sheegay in ay kulankaas ka soo qeyb gali doonto hey’adda caafimaadka Yurub ee EMA.

AstraZeneca oo dhinaceeda iska difaaceysa eedeymahan waxay sheegtay inay sameysay dib u eegis ku saabsan in ka badan 17 milyan oo qof oo ka qaatay tallaalkeeda dalalka Midowga Yurub iyo Ingiriiska taas oo aan muujin wax caddeyn ah oo ku saabsan halista xinjirowga dhiigga ee laga soo sheegayo dalalka qaarkood.

WararkaMaanta.News

Back to top button