Wararka Somali

Tallaalkii Ugu Horeeyay Ee Covid-19 oo Soo Gaadhay Somaliland

Hargeisa (Wararka Maanta) – Waxaa maanta gelinkii dambe garoonka diyaaradaha ee magaaladda Hargeysa ee caasimada Somaliland ka soo degtay diyaaradii siday tallaalka xanuunka Covid-19.

Tallaalkan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee nooccciisa ah ee soo gaadha Somaliland ayaa ah COVAX.

Waxaa talaalkan Covid-19 la wareegay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka Somaliland oo uu horkacayo wasiirka wasaaradaasi.

Wasaarada caafímaadka ayaa sheegtay in tallaalkan la siin doono dadka shaqaalaha ah ee safka hore kaga jira la dagaalanka COVID19 kuwaasi oo kala bahda Caafimaadka, Ciidanka Socdaalka, Ciidanka Booliska iyo shaqaalaha cashuuraha ururiya, kuwaas oo inta badan la kulma dad farabadan.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha uu aadka ugu faafayo cudurka Covid-19, waxaana aad u hooseeya heerka wacyi galinta bulshada.

WararkaMaanta.News

Back to top button