Warka Ciyaaraha

Falanqaynta Kulanka: Chelsea Vs Atletico Madrid ee UEFA Champions…


Kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda  Stamford Bridge waxay ku soo dhaweyndoontaa kooxda Atletico Madrid lugta labaad ee Wareega 16-ka Champions League, Blues ayaa lugtii hore ku soo badisay 1-0.

Chelsea Vs Atletico Madrid

Tartanka Champions League

Saacada 23:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Stamford Bridge

Garsooraha Daniele Orsato (Italy)

Chelsea:- Tammy Abraham ayaa shaki weyn ku jiraa inuu ciyaari doono dhaawac canqowga ah dartii. Thiago Silva shaki ayaa jiro sidoo kale. Labadaba Jorginho iyo Mason Mount ayaa ganaax ku seegaya kulanka lugta labaad sababo la xiriira kaararka jaalaha ee ay heestaan.

Shaki: Tammy Abraham, Thiago Silva

Atletico Madrid:- Atletico Madrid gabi ahaanba wax dhaawac ah ma qabato.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Chelsea ayaa badisay mid ka mid ah seddexdii kulan ee ay ku ciyaartay garoonkeeda tartanka UEFA Champions League kooxda Atlético Madrid (guul 1 Laga badiyay 1), 4-0 oo ay ku badisay 2009-10 wareega group-yada. Guuldaradoodii kaliya ee garoonkooda soo gaarta waxay ahayd lugtii labaad ee semi-finalka xilli ciyaareedkii 2013-14, waxaana looga badiyay 3-1.

Atlético Madrid ayaa laga badiyay seddex kulan oo UEFA Champions League ah oo ay la ciyaareen Chelsea, waa kulankoodii ugu badnaa ee ay ka horyimaadaan kooxaha ka soo horjeeda iyo Bayern Munich iyo Real Madrid.

Taariikhdooda tartamada yurub, Chelsea waligeed laguma reebin laba lug oo bug baxda ka dib markii ay badisay lugtii hore ee ka baxsan garoonkeeda. Labadii jeer ee laga reebay tartanka UEFA Champions League kadib markii ay lugtii hore badiyeen waa 1999-00 waxay ka horyimaadeen Barcelona wareega quarter-finalka iyo 2006-07 vs Liverpool semi-finalka.

Marka la eego Diego Simeone, Atlético Madrid ayaan laga badinin mid kasta oo ka mid ah labadii kulan ee hore ee UEFA Champions League ee Stamford Bridge (guul 1 bar-baro 1). Kulankoodii kaliya ee hore ee ay marti ahaayeen Chelsea wareega 16ka ee tartanka bishii Abriil 2014, Atlético ayaa ku reebtay semi-finalka markii ay 3-1 ku badisay lugtii labaad.

Shaxda Macquulka

Chelsea (3-4-2-1): Edouard Mendy; Cesar Azpilicueta, Thiago Silva, Antonio Rudiger; Reece James, Mateo Kovacic, N’Golo Kante, Marcos Alonso; Kai Havertz, Hakim Ziyech; Olivier Giroud

Atletico Madrid (4-1-41): Jan Oblak; Kieran Trippier, Raul Jimenez, Stefan Savic, Renan Lodi; Koke, Marcos Llorente, Saul Niguez; Joao Felix, Yannick Carrasco; Luis Suarez.

Saadaasha Ciyaaro.com Chelsea 0-0 Atletico Madrid

WararkaMaanta.News

Back to top button