Wararka Somali

Hargaysa: Kulan Masuuliyiinta Lagu Barayo Dastuurka iyo Waddaniyadda

Hargaysa (Wararka Maanta): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland ayaa kulan hawleed ku saabsan barashadda dastuurka iyo waddaniyadda ka furay magaaladda Hargaysa.

Kulankaasi ayay u  jeedadiisu ahayd sidii masuuliyiinta gobolka Maroodijeex iyo degmooyinkiisa iyo  kuwa laamaha dawladda loo barri lahaa dastuurka iyo waddaniyadda.

Waxaana kulankaasi oo ay soo agaasintay wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland.

Iyadoo uu kulan hawleedkaasi si rasmiya u furay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

 

Wararka Maanta.com/Hargeisa Office.

WararkaMaanta.News

Back to top button