Warka Ciyaaraha

Kooxaha Chelsea Iyo Arsenal Oo Dalabyo Ka Gudbinaya Ciyaaryahanka…

Photo Federico Tardito/Insidefoto insidefoto.


Kooxaha ku xifaaltama Premier League ee Chelsea iyo Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay labaduba u tartamayaan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara AC Milan Hakan Calhanoglu .

27 jirkaan ayaa qandaraaskiisa San Siro uu dhacayaa xagaaga, waxaana muuqata inay sii kordheyso inuusan aqbali doonin heshiis cusub.

Sida laga soo xigtay Sky Sport Italia , Milan waxay u soo bandhigtay Calhanoglu qandaraas uu ku qaato  € 4m sanadkii (£ 3.5m), laakiin wuxuu ka dib dalbaday heshiis € 5m (£ 4.2m) ah.

Taasi waxay gogol xaar u noqotay in kooxaha kale ay horay ugu sii socdaan dalabyada, iyadoo isla warbixinta ay tilmaamayso in Chelsea iyo Arsenal ay ka mid yihiin kuwa wadahadalada la furay laacibka.

Waxaa la sheegaa in labada kooxood ee reer England ay siin karaan mushaarka uu rabo xidiga Turkiga, laakiin ma awoodaan inay la tartamaan lacagaha ay Milan ku xafiiltamaan ee Juventus ay diyaar u tahay inay bixiso, taasoo ka dhigeysa kuwa ugu cadcad inay la soo wareegaan saxiixiisa.

Calhanoglu ayaa sameeyay sideed caawin iyo labo gool 24 kulan oo uu saftay Serie A xilli ciyaareedkan.

WararkaMaanta.News

Back to top button