Warka Ciyaaraha

Man City Oo Shaacisay Qasaaraha Soo Gaaray Kooxda Xilli Ciyaareedka…


Manchester City ayaa qasaaro dhan 126 milyan oo ginni ka soo gaartay xilli-ciyaareedkii 2019-20 ee coronavirus-ka, sida lagu sheegay warbixin sannadeedka kooxda.

Dakhliga soo daahay ee kulamada iyo iibka ciyaartoyda – lacagihii ka soo xarooday Leroy Sane ee ku biiray Bayern Munich kuma jiraan xisaabaadkii ugu dambeeyay – iyo dib u soo celinta kaararka xilli ciyaareedka waxay keentay hoos u dhac boqolkiiba 11 ah.

Si kastaba ha noqotee, City ayaa rajeyneysa inay si dhaqso ah ugu soo laabato faa’iidada ololaha haatan socda waxayna saadaalineysaa inay lumineyso wax ka yar 60milion sanadkiiba labada xilli.

Warbixintiisa ayuu ku sheegay gudoomiyaha Khaldoon Al Mubaarak ganacsigu inuu yahay “aasaas ahaan mid adag, oo leh saamileyaal daacad ah iyo hanti aad u tiro badan, oo si taxaddar leh loo dhisay toban sano iyo in ka badan qarni taariikhi ah”.

Waxa uu intaa ku daray: “Qaabkeennii muddada-dheer ee aan wadnay ayaa macnaheedu yahay inaannaan hadda gebi ahaanba ku tiirsanayn duruufaha u nugul saameynta joogtada ah ee Covid-19.”

WararkaMaanta.News

Back to top button